War goordhow Nasoo gaaray ayaa wuxuu Sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

Ajandaha wada hadallad oo aha xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa labada Madaxweyne waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, kaasoo ku dhisan is ixtiraam iyo wada shaqeyn buuxda oo la xiriirta dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isu socodka dadka baayac mushtarka ah Si kor loogu qaado dhaqaalaha labada Dal.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

labada dal  kama wada hadal, lamana soo shay qaadin Kiiska Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.