Maxay salka ku haysaa Sakiin lasoo saaray oo loogu magacdaray Al-Shabaab?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nooc ka mid ah sakiinta lagu xiirto oo magaca la wadaagto koox Islaami xagjir ah oo argagax iyo cabsi badan ku haysay dadka deggan gobolka ku yaal woqooyiga dalka Mozambique ee Cabo Delgado ayaa walwal iyo cabsi ku abuurtay ma’uuliyiinta dalkaasi.

Sakiintan oo lagu magacaabo Al-Shabaab ayaa tan iyo sanadkii la soo dhaafay laga isticmaalayay dalkaasi Mozambique.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa haatan ka cabsi qabo in uu xiriir ka dhaxeeyo sakiintaasi iyo koox lagu magacaabo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamka ee IS oo muddo sanado ah dhibaato ka geysanasyay woqooyiga dalkaasi.

Madaxa booliska dalkaasi Mozambique, Bernardino Rafael, ayaa amar ku siiyay saraakiisha booliska in ay soo uruuriyaan xogta la xiriirta sakiintan lagu magacaabo Al-Shabaab, si loo ogaado in ay qayb ka tahay dacaayadaha kooxdan xagjirka ahi.

Warbaahinta maxalliga ahi ee dalkaasi ayaa sheegeysa in ilaa sanadkii hore qaar ka mid ah suuqyada magaalada Pemba ee xarunta gobolka Cabo Delgado lagu iibinayay sakiintaasi.

Waxay intaasi ku dareen in sakiintan haatan lagu arkay dukaamada ku yaal magaalada caasimadda ahi ee Maputo iyo qeybo ka mid ah gobolka Manica.

Dhammaadkii bishii Maarso ee sanadkan ayaa dagaalyahanno ka tirsan kooxdan waxay weerar ku qaadeen magaalada Palma, halkaasi oo ay ku dileen tobaneeyo qof .

Al-Shabaabka Mozambique ayaa ah koox mintid ah balse aan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaabka ka jira Soomaaliya oo ay isku magac yihiin. Kooxdani ayaa xiriir la leh kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee IS ee fadhigeedu yahay waddamada Ciraaq iyo Suuriya halka Al-Shabaabka Soomaaliya uu xiriir la leeyahay urur weynaha Al-qaacidda.