Muqdisho-(Ayaamaha)-Maxkamadd ku taalla dalka Tanzania aya soo gabogabaysay dacwad ka dhan ah  muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaadhayay todobo ruux iyadoo maanta ku ridday xukunkii ugu dambeeyay iyo go’aankii ay Maxkamaddu ka gaartay.

Magacyada todobadan qof ee uu xukunku ku dhacay ayaa ayaa lagu kala sheegay, Maxamed Aadan, Bashiir Rooble, Muxsin Xaaji, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, Faragaani Cabdulle, Cali Nuur Cali iyo Cumar Maxamed oo loo yaqaanno Muudey, ayaa lagusoo eedeeyay inay falal burcad badeednimo ka gaysteen Badwaynta Hindiya.

Soomaalidan ayaa maraakiib dul marayay badwaynta Hindiya afduub ugu gaystay sida ay Maxkamaddu sheegtay.

Todobadan ruux oo ay soo qabteen Ciidamada ilaalada badwaynta hindiya 2011-kii ayaa u gudbiyay dalka Tanzania halkaas oo maanta Sideed sanadood ka dib ay Maxkamadda oo soo xiganaysay markhaatiyaal 14 ruux ah iyo dukumiintiyo kala duwan oo cadaynaya falalka ay gaysteen ku xukuntay xabsi daa’in

Marar badan ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed ay xukunno Maxkamado dalka dibaddiisa ah ku ridaan, iyada oo qaar badan oo eedeysanayaal ah dadaallo ay samaysay Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in dalka ay dib ugu soo celiso, iyagoona badankood xukunnadooda ku dhamaysta  gudaha dalka.

Waxaa waqti xaadirkan la dareemayaa in uu hoos u dhacay falkii afduubka iyo madax-furashada ahaa ee ay burcad badeedda Soomaalida u geysan jiray maraakiibta sidda badeecadaha Caalamka.