Muqdisho-(Ayaamaha)-Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay xukun ku ridday laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo inay ka dambeeyeen  weeraro iyo dilal ka dhacay Muqdisho.

Labadan dhanyaro ee Maxkamada  xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar waxaana Maanta Maxkamada Ciidamada ay ku ridday Xukun dil toogasho ah, waxaana Maxkamada ay sheegtay in labaduba ay saarnaayeen markii la qabanayay Gaarigii ku qarxay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon Maalintii uu dhacay qarixii Tiyaatarka.

Maxkamada ayaa sidoo kale raggaan ku eedeysay inay soo abaabuleen weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi e e Magalada 9-kii Bishii November Sanadkii tegay ee 2018.