MUQDISHO-AYAAMAHA-Labaatan qof oo u dhalatay waddanka Sucuudi Carabiya ayaa iyagoo maqan waxaa Turkigu uu u maxkamadaynayaa dilka weriye Jamaal Khaashuqji kaas oo dhacay 2018.

Khaasuqji oo ahaa nin caan ah oo dhaleecayn jiray Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan, ayaa waxaa qunsuliyadda boqortooyada ay ku leedahay magaalada Istanbul ku dhex dilay koox Sucuudiga u dhalatay.

Dadka dacwadda lagu soo oogay waxaa ka mid ah laba nin oo hore ula talin jiray Amiirka, kuwaas oo gaashaanka u daruuray inay arrintaasi wax lug ah ku leeyihiin.

Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay diidday codsi uu Turkiga ku dalbaday in raggaasi ay u soo gacangeliso, waxa ayna sanadkii la soo dhaafay siddeed qof u xukuntay dilkaasi.

Shan ayaa waxaa lagu xukumay dil ay ku mutaysteen gacantii tooska aheyd ee ay dilka weriyaha ku lahaayeen, halka saddexda kale madaxa loo galiyay xabsi ay iyana ku mutaysteen inay dambigaasi qariyeen.

Maxkamadaynta Sucuudiga ayaa waxaa gaashaanka u daruurtay Agnes Callamard oo ah haweeneyda ay Qaramada Midoobay u saartay dilka Khaashuqji, taas oo sheegtay in Khaashuqji “si ulakac ah loo dilay oo weliba dilkiisu uu ahaa mid la sii qorsheeyay” oo uu mas’uul ka ahaa qaranka Sucuudiga.