Maxkmadda Somaliland oo xukun  ku ridday afar askari oo kufsi geeystay.

Hargeysa-ayaamaha-Maxkamadda ciidan oo ku taal Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad loo heestay afar askari oo ka tirsan ciidamada Booliska maamulkaasi kuwaas oo ka howl-galayey magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Maxkamadda  ayaa askartan  ku cadeeysay  inay ay fal kufsi ah u geysteen gabar 13 jir ah, kaas oo  dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee isla gobolkaasi.

Sidoo kale maxkamadeynta askartan ayaa soo martay marxalada kala duwan, waxaana ugu dambeyn ay maxkamaddu soo gabagabeysay kiiska ka dhanka ah 4-taasi askari.

Garsooraha maxkamadda ayaa shaaciyey in raggan lagu helay dambiga lagu soo eedeeyey, isla-markaana lagu xukun min 7 sano oo xabsi ciidan ah.

Dhanka kale maxkamadda ayaa sii deysay laba eedeysane oo kale, kadib lagu waayey inay ku lug lahaayeen falka kufsiga ah ee loo geystay gabadha yar ee 13-ka jirka aha.

Fadhiga maxkamadda waxaa sidoo kale ku sugnaa ehellada gabadha dhibka loo geystay iyo sidoo kale ehellada askarta la xukumay oo goobjoog ahaa go’aanka la ridday.

Waalidiinta dhalay gabadha la kufsaday oo muddo sugayey cadaaladda ayaa soo dhoweeyey xukunka  adag ee lagu ridday afarta nin ee lagu helay inay geysteen falkaasi.