MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Axad ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya,kadib markii shalay oo Sabti aheyd ay dhameystireen 30-ka Bisha Ramadaan.

Meelo kamid ah Soomaaliya ayaa shalay laga Ciidayay halka dadka qaarkood ay soomanaayeen,waxaana Maanta laga ciidayaa qeybo kamid ah Soomaaliya.

Deegaannada Maanta ay u tahay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga ayaa waxa kamid ah Magaalooyinka,Dhuusamareeb, Guriceel, Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe iyo qeybo kamid ah Muqdisho,kuwaas oo saaka laga dareemayo Ciida.

Sidoo kale waxaa jira wadamo kamid ah kuwo Caalamka oo Maanta ay u tahay Maalinta koobaad ee Ciida,sida dalalka, Turkiga, Talyaaniga, Sacuudiga, Uganda iyo inta badan dalalka Reer Galbeed oo Muslimiinta ku nool ay shalay Soomanaayeen.

Soomaaliya ayaa sanadkaan 2020 waxaa ay u aheyd sanad la isku khilaafay Maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga,kadib markii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya uu laba jeer marna sheegay in Sabtida Ciid aheyn halka Saqdii Dhexe ee habeen ka hor uu sheegay in la Ciidayo.