Meydad lagu arkay dhufeysyadii ciidanka iyo Xaafado katirsan Guriceel

GURICEEL-AYAAMAHA-Waxaa saaka kormeer sameeyay Maamulka degmada iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayagoo kusoo arkay meedad.

Goobaha qaar ee degmada Guriceel gaar ahaan Aaga Jaamacadda oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalada ka dhacayeen ayaa waxaa lagu arkay meydadka dad dagaalka ku geeriyooday iyo kuwo qaarkood isla goobta lagu Aasay.

Meydadka ayaa la rumeysan yahay inay dadka shacab ah oo guriyaha ay xabadu uga tagtay iyo qaar kamid ah dagaalamayaasha Ahlusunna.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa duleedka Waqooyi ee Guriceel ka sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay, sidoo kalena lagu qiimeeynayay xaaladda Aaga dagaalka uu ka dhacay.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Guriceel ayaa waxaa ay ugu baaqeen Shacabkii ka barakacay degmada inay dib ugu soo laabtaan, isla markaana howsha ay sideedii kusoo noqoneyso.

Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ee la dagaalamayey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa dad badan waxay aaminsan yihiin in aan awood looga saarin ee wadahadal ay ku baxeen madaama afar maalmood aan dagaalka looga raayin.