Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in lagu aasay Meydadka Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tababar loo geeyey Dalka Ereteria.

Askartaan la dilay ayaa 7da Bishaan la sheegay inay ku dhinteen dagaal ka dhacay Xero ku taalla duleedkeeda Magaalada Asmara.

Sida ay wararku sheegayaan dhalinyarada la dilay ayaa is fara saareen Maleeshiyaad la sheegay inay Ereteria udhasheen taas oo salka ku heysay Dagaalkooda is qab qabsi la xiriiray Dhaqaale loo soo diray Askartan la tababarayey oo ay damceen inay  xoog ugu qaataan.

Askarta tababarka loogu diray dalka Ereteria ayaa gaaraysa 700 Askari waxaana la sheegay in 17 ka mid ah lagu dilay dagaalka Ereteria.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa dhawaan Beeniyey isagoo hor jooga Golaha Shacabka Soomaaliya inay Ciidan loogu tababarayo Dalka Ereteria.