MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa hadda xarunta CID ee dambi baarista booliska Soomaaliya la keenay meydadka 8 qof ee lasoo dhigay deegaanka Gololey ee duleedka Degmada Balcad.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in  ciidamada Milateriga Soomaaliya ay dileen siddeeda qof.

Dhanka kale dadka la laayey ayaa la sheegay inay ahaayeen qaraabo aad isugu dhow oo qaarkood ay ahaayeen dhaqaatiir waxaana shalay lagala baxay xarun caafimaad oo ay ka shaqeynayeen,iyadoo Xalayna dil wadareed loo geestay.