Muqdisho-(Ayaamaha)-Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Xerka dheere ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay lagu arkay Meydka Haweeney.

Meydka haweeneydaan ayaa la sheegay in saaka lagu arkay xaafaddas, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in haweeneyda aad looga yaqaanay xaafadda.

Lama oga dadka ka dambeeyay dilka haweeneyda, balse maalmihii ugu dambeeyay degmada Kaaraan waxaa ka socday baaritaan ay sameynayeen ciidamada booliska ee dhawaan lagu wareejiyay degmada.

Rasaas badan ayaa qeybaha sare ee jirkeeda ka muuqatay haweeneyda, waxaana la ogeyn dadka ka dambeeyay falkaasi, iyadoo saaka ciidamada amaanka ay baaritaano ka bilaabeen degmada.

Wararka ayaa intaasi wax ay ku darayaan in haweeneyda ay kamid aheyd ganacsatada Suuqa xerka dheer eek u yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,inkastoo aan weli si dhab ah loo cadeyn.

Maamulka degmada Kaaraan ayaanan wali wax faahfaahin ah ka bixin dhacdada ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Degmada Kaaraan ayaa dhawaan waxaa la geeyay ciidamadii ugu badnaa oo boolis ah kuwaasi oo loogu talo galay inay xaqiijiyaan amaanka degmada, waxaana ay sameynayeen muddooyinkii ugu dambeeyay baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo.