Muqdisho-Ayaamaha-Deegaanka Shabeellow oo ku yaalla duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaka laga helay Meydka mid kamid ah dadkii shalay doonta kula qalibantay fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga Shabeelle.

Ninkaan Meydkiisa lahelay ayaa waxaa lagu Magacabi Jiray Shariif Xasan  Ganeey waxaa uuna kamid ahaa ganacsatada Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxaa weli socda baadi goob loogu jiro qaar kamid ah dadkii saarnaa doonta, kuwaasi oo laga raadinayo biyaha Webiga iyo hareerihiisa, waxaana goodi goobka dadkaas loo xilsaaray Guddi.

Doonta Shalay barqadii rogmatay ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday 10 ruux halka laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Duqa degmada Beledweyne Safiye Sheekh Xassan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.