Muqdisho-Ayaamaha-Ugaas ka mid ahaa hoggaan dhaqameedka beelaha Soomaalida ee gobolada dhexe ayaa beri abaar xummi dhacday, balse ay ka soo barbaxeen intii rabbi u kasay waxaa laga sheegay “wixii lasoo maray ciddii soo sheeka qaadda, hadalka shib alle ha ku siiyo”, haddaba horaanta sanadkii 1991-kii, waxa ay ahayd billoowgii Soomaaliya ay ku sifoowday silaca iyo saxariirka sooyaalkiisu dheeraaday oo aynu ku sugannahay weli, Eebbe hanooga yeelo seben aakhirkiisiiye, waxaa la soo maray wax aan laga sheekeyn karin, marka laga eego dhanka gumaadka iyo gabood falkii dhacay, oo aad isleedahay oraahda ugaasku waa dhab biyo kama dhib caan ah, oo ka hadal ku qaban meeyso dhacdooyinkii la soo dhaafay ee foosha-xumaa, haddana dibne iyo af laba daan leh hadal ma daayaane, waxaad is tustaa in aan laga aamusi karin marka dib loo milicsado mashaqadii iyo murugadii darnayd oo soo taxnayd mudada dheer welina aan loo diyaarsaneeyn dad iyo dal ahaanba sidii looga bixi lahaa.

Qaran-jabkii markuu dhacay ee la kala irdhoobay intii cagahooda maalay ee maciin biday wadamad jiiraanka ah qaarkoodna uga sii tallaabeen adduunyadaas shisheeyuhu daganyahay ee naga durugsan, gaar ahaan wadamada reer galbeedka (Yurub iyo Waqooyiga Ameerika) dunidu u taqaan oo ahayd qolada illaa maanta la cawriyo ee lagu majeerto in ay noqdeen kuwii ugu nasiib badnaa oo helay deganaasho iyo dib u dejin burburkii kadib, iyadoo loo aanaynayo dowladahaas guunka ah oo xakha iyo xuquuqda aadmiga si uun u tixgeliya, inkasta oo iyaguna ay iska qabeen diifta iyo daalkii qaxootinimo ee dal shisheeye lagala kulmi lahaa, iyagaas mooyee intii kale waxay noqdeen wax ku dacdareeysan dalka iyo dowladaha deriska ah.

Hashu maankayga gaday’e ma masaar bay leqday? Ayaa laga weriyey oday hore oo Soomaaliyeed mar uu layaabay fal filanwaa iyo fajac ku keenay. Muqdisho waxay magan u noqotay marti gelinta meyd fara-weyn tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii militariga ahayd. Horraantii 90-aadkii ee uu wadanka ka billowday isbarbaryaacii faraha badnaa iyo haatan la joogo qof ahaan waxaan ku noolaa inta ugu badan noloshayda magaaladan musiibada iyo malakul-mowdku isku warsadeen.

Haddaba mudadaa fog ee aan ku dhaqnaa waxaan u soo joogay dhacdooyin badan oo dhib iyo dhiillo huwanaa, haddii aan ka xuso mid iyo labo maankayga mahadho ku reebay ayaa waxay ahaayeen sidan;

”maalin maal maha ka mid ah sanadkuna ku beegnaa 1999-kii ayaa xilli galab ah waxaan israacnay dhowr dhalinyaro ah oo aan asxaab ahayn, si aan u soo ciyaarno kubbad, balse nasiib darro markii aan gaarnay goobtii aniga iyo kooxdii da’yarta ahayd ee i wehlisay waxaan la kulannay mayd yaala barxaddii aan u soo baashaalka tagnay, waxaa se intaa kasii darnayd markii qaar naga mid ah ay maydkii lugaha iyo gacmaha qabteen iyagoo da’daaminaayo sidii kiintaal badar ah, kadibna ay iska dhigeen dhinac markii ay ka leexiyeen bartamihii garoonka ciyaarta, deedna aan billownay banooni ciyaar inta aan laba koox isku qaybinay!.

Goobtaan aan ka hadlayaa waa teribuunka oo maantaa ahayd kawaanka dadka (qofkii la dilo ayaa la soo dhigi jiray) isla markaana arrintaan caan ku ahayd caasimadda dhexdeed.

Dhacdadaan, aan kor ku soo sheegay aniga qudhayda wax badan kagama duwanayn garasho iyo garaad toona dhalinyarada maydka naga duway ama nooga leexshay goob-ciyaareedka, in kastoo aanan qayb ka ahayn walwaalistii maydka, haddana sidaas ay tahay mar dhow ayaan fahmay ficilka aan goob-jooga u ahaa in uusan mid fiican ahayn. Waxaan se is leeyahay waxaa kaa tan badnaa carruurnimo iyo adoo la fal-galay dhacdooyinka dhimashada leh ee aad ku dhex jirtay mudadaas toban sanaalaha ku dhaweyd.

Waxay doontaba yeelkeede, aan u hollado kuwa kale oo aan u soo joogay. Waxa kale oo aan xusuusto waxaa ka mid ah nin u dhintay xabad moos/muus ah iyo ku kale oo asna u naf waayey koob shaaha uu kabaday, labadaan ruux ee qisa geeriyaadkooda aan ka soo waramayba waxay ahaayeen dableey hubeeysan, kuwa kale oo ay gacantooda sababsadeenna waxay ahaayeen saaxibadood u quuri kari waayey xabad moos ah iyo koob shaaha oo ay uga boobeen wadaaynimo, waxaanay u adeegsadeen AK47-kii ay deegta ku wateen.

Mushkiladaha iyo musiibooyinka muqdisho intii aan ku noolaa mowle igu simay waan ka faalloon haddaan iraah laga dhammaan maayo oo waa webi dherer loo qaaday iyo bad baaxad loo jiiray, aan se intaa ku hakiyo dhacdooyinkii dhibaatada badnaa qaar ka mid ah oo aan la dersay mudadii qabiilka iyo qolo qolo u dirirka.

Waxaan u soo qaatay horudhacan aan sebenkiisii la joogin haatan in aan dib u milicsanno burburkii iyo qaran-jabkii nagu soo billowday horaantii 90-aadkii iyo in aan u soo araarto wixii ka danbeeyey qabiilkii iyo qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho waana tan aan soo sidee ila soco.

Xaaladda Maanta ee Xamar

Soomaalidu waxay tiraahdaa “balaayada midda yar waa lala yeeraa, tan weynna waa lala aamusaa” murti kalana waa tii ahayd“af-kii baa juuqda gabay”  marka aadmigu wax oran waayo oo afka gacanta la saaro ammakaag daraadiis. Oraahyadaan iyo eray-murtiyeedkaan waxay noo muujinayaan dhibtu markay billow tahay bini-aadamku in ay la balweeyaan oo ay isku daraan baroor iyo balaanbal, hasa yeeshee markay fakato oo ay faraha ka baxdo ilmada iyo oohintuba way iska idlaadaan ha ahaato in la la’yahay ficil looga fal-celiyo fool-xumada meesha taal, ha se loo qaato in ay ka mid noqotay nolol maalmeedka ummadda ay waqtiga iyo waayuhu badeen, kadibna ay u arkeen in ay tahay in lala noolaado dhibta haysata.

Bishaan gudaheeda 22/june/2019 iyo 24/june/2019 oo ah laba maalmood oo ay maalini u dhaxayso ayaa laba qarax ka kala dhaceen afaafka hore ee garoonka duullimaadka Adaan Cabdulle Cusmaan iyo Aqalka Dowladda Xamar labadaan dhacdo ee aan ka waramayaa ma ahan kuwii ugu horeeyey ee magaaladaan ka dhaca, balse waa kuwii ugu dambeeyey kuwa kalena waa la filayaa haddii xaalku sidaan ku sii socdo, qaraxa hore waxay u badnaayeen dadweyne shacab ah dadka ku naf waayey, halka kan kale uu galaaftay dad dowladda u shaqeeyo.

Ra’yiyan dad weynuhu waxay is weydiinayaan markaad u kuurgasho hadal maalmeedkooda su’aalahaan soo soda:

  1. Ammaan la’aanta caasimadda ma tabar darri dowladeed baa?
  2. Ma danaysi amni oo dowlada shisheeye daba joogaan baa?
  3. Ma ha’yadihii amniga iyo caddaaladda oo doorkoodii gebay baa?
  4. Ma musuq amni iyo isla xisaabtan la’aan baa?

Waxaan is leeyahay intaba waxbaa ka jiro, balse aan dul joogsado qodobka ugu danbeeyo inta kale yeelkeede, musuq amni iyo isla xisaab la’aani way jirtaa, maxaa yeelay haddii aan soo qaadano dhacdadii ugu dambeeysay ee Xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir 24/7/2019 waa tii ugu yaabka iyo ammakaaga badnayd waayadaan, sababtu waxay tahay goobtu waxay ahayd xarunta sadexaad ee ugu ilaalada badan magaalada Xamar, marka laga yimaado Villa Somalia iyo Xalane.

Haddaba waxaa yaab leh hoolkii shirka oo looga hadlaayey shir amni ku saabsan, ayaa amni xummo  ka dhacday oo ay dhagar qabayaashu dhibaateeyeen, iyadoo lagu suganyahay hoolka kulamada ee xafiiska dowladda xamar, loona fadhiyo si baraad la’aan ah ayaa mar kaliya waxaa ka dhex qarxay miiskii shirka musiibo albaabka iyo ilaaladii guriga meel ay ku soo dhaaftay cid malaysa lala’yahay illaa hadda. Balse waxaa kale oo ka yaab badnaandoona markii lawaayo cid ka mid ah ha’yadaha ammaanka dowladda soomaaliya oo qaadata mas’uuliyadda wixii meeshaa ka dhacay.

Waxaa la tilmaamaa waayadaan in ay ku noolyihiin magaala madaxda dalka ee Muqdisho tiro ahaan dad gaaraya 2.5 – 3 milyan (labo iyo bar ilaa sadex milyan) oo ruux, balse dadkaas waxaan ku sifeeyn karnaa in ay yihiin malaayiin mayd ah oo haddana socda, maadaama ay dil ugu wada xukumanyihiin kooxda nabad diidka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana aanay jirin dowlad dadku ay kalsooni badan ku qabaan oo hanan karta duruufaha amni ee ku xeeran muwaadinka Muqdisho.

Kooxda nabad diidka ah, iyada mowqifkeedu waa cadyahay waxaanay ka dhigeen dadkii mid ay riddo ku dilaan, mid ay masjid ku dilaan iyo muumin dil joogta ah. Haddaba ii ogolaada in aan idiin soo gudbiyo maanso ka hadlaysa dilka macna beelay ee Soomaaliya oo aan ka soo dhanbashay mid ka mid ah murtida Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi oo aan  ka soo xigtay buugga “DAL MUSIIBA DABBAASHAY” abwaanku wuxuu layaabay kuna cabirayaa erayadiisa sida dilku uga dhex socdo dalkaan iyo dadkaan laga soo billaabo illaa 1991-kii oo maantana dilkii ka sii daray isagoo noqday darxumo-dileed, haddaba yaanan war idinku daalin’e aan iskaga kiin dhex baxo hal-abuurka iyo howraartiisa waana tane iga hantiya.

  Soomaaliyeey taladiina DILA,

                          Docnaba uma dhaafsanee,

                         Waxaad aragtaanba dila,

                         Miyaa dawo lagu helaa,

                          ——————————-

                         Ninkii hore aado dila,

                         Hadduu dib u harana dila,

                         Hadduu doc u leexdo dila,

                         Hadduu dowlad sheego dila,

                        Hadduu diin wadana dila,

                         Kan sajuudda ku daaha dila,

                        Ka dara oo xishoodka dila,

                        Dumarka dhulka xaaqi dila,

                        Ardada iskuulaadka dila,

                        Islaan canug duudsan dila,

                        Middii dihaneysa dila,

                        Horeba waa loo dilee,

                        Ninkii duunyo heysta dila,

                        Hadduu dibjir yahayna dila,

                        Hadduu daarta korana dila,

                       Hadduu soo degana dila,

                       Hadduu duub yahayna dila,

                       Hadduu dictoor yahayna dila,

                       Midkii wax daweeya dila,

                       Wixii wax ogaada dila,

                         Intaan wax ogeyna dila,

                          Ogaalka naftiisa dila,

                          Si aan waxba loo ogaan.

 

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya waxaa lagu dhaliilaa in ay ka gaabisay doorkii kaga aadanaa arrimaha amni ee dalka, iyadoo la soo hadal qaado marka la tilmaamayo duruufaha dib u dhaca dowladda habacsanaanta hay’adaha amniga ee dowladda haatan dalka ka jirto, ha noqoto maamul-wareer ka jira madaxda sare ee amniga ama ciidamada ka hoos shaqeeyo oo lagu xanto in ay qaybtood horay ula shaqeeyn jireen nabad diidka dalka. Dowladda iyo xukuumaddeeda hadda jirto weli lagama haayo duulaan iyo weerar fool ka fool ah oo ay ku wajahday kooxda Al-shabaab iyo Daacish. Inta la ogyahay dowladda federalku waxay aad ugu mashquushay welina ku maqantahay dowlad goboleedyada dalka.

Faalladaan waxaan xoogga ku saaray Muqdisho iyo marxaladaheeda ammaan, anoo og in ammaan daridu ay wadanka guud ahaan ku baahsantahay isla markaana ay ka dhacaan dilalka ismiidaaminta iyo ismaqiiqa ahi magaalooyinka waaweyn ee gobolada dalka sida Baydhabo, Beletweyne, iyo Kismaayo oo ah halkii ugu dambeeysay uu qarax ka dhaco isla bishaan aynu ku jirno oo iyana aan ku weynay dad badan oo nagu qaali ahaa. Caasimadda cinwaankeeda ayaan doorbiday anoo og diifta iyo diilalyada amni in ay dalka wada hayso, haddana waxaan u haystaa aniga aragtidayda gaarka ah saami qaybsiga silica Soomaaliya in ay sadbursiin u heshay magaala madaxda dalku.

 

Waayihii Wadaadka Soomaaliyeed 

 Waqtiyadaan dambe wadaaddada ayaa door muuqda ku yeeshay waayaha dagaal ee dalka, sidaa darteed waxaan doorbidi lahaa in aan dib u daymoonno wadaadkii hore ee Soomaaliyeed si aan ka maanta joogo u barbar dhigno una baranno. Sooyaal keenii hore ee Soomaalinimo ragga waxaa loo qaybin jiray laba nooc oo kala ah:  1. waranle iyo 2. wadaad

  1. Waranle: waxaa loo yaqaanay ragga qabiilka iyo qoyskooda mas’uulka ka ah dad iyo duunyaba oo u taagan had iyo goor daryeelkooda iyo difaacooda intaba, marka loo eego dhaqankeena miiga ee soo jireenka ah. Waa kuwa reerka raro haddii roob meel lagu sheego iyadoo sahan tagna la sameeyo inta aanay reerku ruqaansan, waa kuwa qoyska iyo qaraabadaba u soo dhiciya markii duunyo laga dhaco. Waranluhu wuxuu diyaar u yahay daryeelka duunyada iyo dadkiisa markay barwaaqada iyo baraaraha joogto, balse wuxuu dhanka kale diyaar u yahay difaaca reerihiisa isagoo wehel ka dhiganaayo warankiisa, markay taagantahay dhibta iyo dhiillada colaaddu.

 

  1. Wadaad: dhaqankeena Soomaaliyeed wadaadku meeqaam sare ayuu ku lahaa waxaana loogu yeeri jiray wadaad, sheekh, macallin iwm. Doorkiisa bulshadu wuxuu ahaa in uu dadka diinta baro, kana wacdiyo xummaha isagoo wanaag faraya. Waxaa kale oo intaa dheerayd in uu dadka diinta ku da’biibi jiray. Aqoontiisa diintana wuu uga shaqayn jiray maamulada maxaliga ah ee ka jiro deegaanka uu markaa ku noolyahay, isagoo wadaadku ka soo dhex muuqan jiray maxkamadaha madaniga ah ee hab maamulka dowliga ah. Afkiisa iyo oraahdiisaba waa la iska ilaalin jiray laguma af-celin jirin, markii suuraddiisa la arko waa loo sara kici jiray haddii uu soo martiyo waxaa loo maamuusi jiray si ka heer sareeyso cid walba oo soo gogol iyo gole gasha.

Wadaadkeenii hore ee Soomaaliyeed wacyigiisa iyo waayihiisu sidaas ayuu ahaa, oo laguma ogayn dagaal uu ka qayb qaato in uu ka digo mooyee, markii laga reebo jihaad-gaal, taasina wadanka suura gal kama ah illaa maantadan aan joogno, maxaa yeelay dalku dunida Muslimka ayuu ku jiraa dadkiisuna waa Muslim boqol kiiba boqol, kuna darsoo waa sunni soocan oo shaaficiya ku abtirsado.

Haddaba haddii wadaadkeenii hore sidaa ahaa kan maantana aan aragno siduu yahay, xaggee bey salaaddu iska qaban la’dahay? Laga soo billaabo sanadkii 2006-dii waxaa dhacay wax lid ku ah dhammaan sifooyinkii uu ku suntanaa wadaadkii soomaaliyeed, xilligaas oo ahayd waqtigii wadaadku waranka qaatay, waxaanay ahayd bar-billowgii musalsalkaan aan maanta weli daawanayno.

Taxanahan weli tebintiisu socoto, waxaa dadka qaar isku qaban la’ oo kaaf iyo kala dheeri ula muuqda, markay arkeen maxsuulkii ka soo baxay wax qabadkii wadaadkii waranlaha ahaa waxaanay is weeydiinayaan su’aalahaan soo socda:

  1. 2006-dii wadaaddadu markay kacayeen ma gaalaa wadanka joogtay mise iyagaa noogu yeeray gaalada?
  2. Wadaaddadu ma diin u dirir bay ahaayeen misa diin la dirir?

Waxaa kale oo intaa dheer, kan is qarxinaayo iyo kan kaleba mid kasta qiilkiisa ayuu wataa isagoo soo daliishanaayo nusuus diini ah.

Hadda ka hor ayaa waxaa werin igu soo gaartay sheeko laga soo weriyey Soomaalidii hore ee reer guuraaga ahayd, waxayna u dhacaysay sidaan;

Maalin baa laba dumar ah oo ari jir wada ahaa, qayb arigii ka mid ahi ka luntay, kadibna waxay isku dayeen in ay baadi-goobaan iyagoo raadin iyo raad-gur ba isugu daray riyihii maqnaa oo welina ku guda jiro baadi-goobkoodii ayaa mid ka mid ah haweenkii waxaa af-keeda kasoo baxay mar qura eebow adaa weyne xoolaheena xero culumo noo geli.

Tii kalaa soo booday markaasay iyana waxay ugu warcelisay markeedii naa xero culumo hanaga gayn xoolaheena, iyagaaba haysta qiil ay ku banaystaane!.

Haddaba daliilinta diiniga ah ee culumada maanta waa tan waashay qayb ka mid ah caammada maanta. Ma moogi oo waan hubaa weliba in ay jiraan culumo Soomaaliyeed oo aad u qiima badan, laakiin waxaan saluugsanahay in aanay lahayn isku duubni iyo wada shaqayn dhab ah, si ay wax uga taraan doodda iyo dagaalka kooxaha nabad diidka ah.

            Doorka Shacabka

  Dad weynaha reer Muqdisho way dhibbanyihiin waanan dhalliilayaa, dhibta iyo dhaawaca ugu badan iyaga ayuu ka soo gaaraa qaraxa joogtada ah ee magaaladaan ay ku noolyihiin, waa dhif iyo naadir in ay ka badbaadaan musiibooyinkan cimri deg degga wato ee maalin nool ba la deriska ah sidii in uu dhakhtar u qoray. Cidda ay wadooyinku ka go’anyihiin oo jid walba laga joojiyaa waa adinka shacabyahow, cidda isku socodkoodii waxbarasho, caafimaad iyo quutal daruuri ku ciqaaban waa adinka.

Haddana iyada oo ay sidaas tahay waxa soo dhaweeysaan dilaagii idin dili lahaa waxa hooyga iyo gabaadka siiyo waa adinka, iyadoo aad tixgelinaysaan ina adeernimo iyo in aad isku reer tihiin, balse Al-shabaabku aanay aaminsanayn waxaan aad adigu rumeeysantahay. Al-shabaab ma aaminsana qabiil iyo qabyaalad toona waa meesha kaliya oo ay amaan ku mudan lahaayeen haddii ay hanaankooda kale hagaajin lahaayeen, waana halka Soomaalidu ay dhab ahaan u dhimatay.

Waxaa igu maqaala ah, in wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan kooxda nabad diidka ay hooyadiis ku dhimatay qarax uu isagu ka dambeeyey waana mid ka mid ah qaraxyadii ka dhici jiray waddada Maka-almukaram oo lala beegsaday haweenkii hagaajin jiray bilicda iyo nadaafadda waddada aan soo tilmaamnay, dabcan wuu ogaa in hooyadiis ay meesha ka shaqayso, balse mashruuciisa ayaa uga muhiimsanaaday aniga aragtidayda, haddaba waxaad dareemi kartaa dadka noocaas ah in ay aaminaaddoodu   arrin walba kala sareeyso, marka isku day fadlan in aad naftaada iyo tan bulshada ba aad ka fikirto amni ahaanshadooda.

 

Waan dareemi karnaa dhamaanteen ba in aanay jirin wax ka darani dad diin sheeganaayo misana ku dilaayo, waata mararka qaar idin ku kalifta in aad ka carartaan ruux Muslimnimo sheegta oo aad magan iyo miciin biddaan dad aadan diin-wadaag ahayn, waa halkuu lahaa alle ha u naxariistee abwaankii Soomaaliyeed ee Cali Jaamac Haabiil “Muslimnimo ninkaan kugu dhaqayn muuminnimo khaas ah, gaal maxasta kuu dhowro ood magansataa dhaama!.”

Gunaanad

 Mid ka mid ah bare-yaashaydii iskuulka ayaa wuxuu nagu dhihi jiray “waxaad haysaan wax weyn oo aad uga sheekeysaan carruurtiina”, wuxuu sii raaciyey hadalkiisa anaga waalidkeen waxay nooga warami jireen xilli abaareedkii dalku soo maray sida abaartii daba dheer iyo jimco baastaalay. Marka uu macallinkaygu sidaa leeyahay waxay ahayd ka hor inta aanu soo bixin wadaad waranluhu, haddii se uu maanta nala joogi lahaa warkii hore wax ka duwan ayaa laga gunti lahaa.

Waxaa ayaan darro ah muddo 30 sano ah in aan dib u socod nahay, iyadoo aduunyadu horu socod tahay oo dayaxa haybsanayso lana joogo qarnigii 21-aad. Waxaan u baahannahay in aan fahamno in aan gadaal u socono, oo nalooga baahanyahay baraarug iyo isbarqabasho kadibna aan soo gaddoono si aan horay u aadno isla markaana aan u tiigsano ummadihii naga tagay.

Hadal waa badweyn oo dhex butaaci maayee waxaan barroosinka u dhigi, waxaa derajo iyo dowladnimo lagu doogsado aan ku gaari karnaa in cid waliba ay doorkeeda ciyaarto sida; dowladda, culumaa udiinka iyo shacabka qudhiisa.

W/Q: Cabdiqaadir Dhaqane Cumar

Email: cqalbi1@gmail.com