Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in magaalada Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh  Jibriil oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Abu Dabia ee dalka Imaaraadka.


Aaska wasiir Xoosh ayaa waxaa ka qeyb geli doono Madaxda ugu sareysa dowladda  soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Guddigga qaban qaabada Aaska wasiirkii dastuurka.

Magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa laga dareemayaa qaban qaabada Aaska Wasiirkii Dastuurka ee xukuumada Soomaaliya , iyada oo loo sameeyey Guddi qaban qaabiya Aaska oo laga soo xulay Xubnaha golaha Wasiirada ee xukuumada Soomaaliya