Dhuusamareeb-Ayaamaha-Waxaa dood adag ka taagan tahay Mid ka mid ah kuraastii Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug kaas oo laga reebay Liiskii Xildhibaanadda.

Kursigaan laga reebay Xildhibaanada ayaa waxaa lahaa beesha Waceysle/Cali Gaaf waxaana uu noqday kan ugu adag ee loolanka uu ka taagan yahay, waxaa isugu tagay Xafiiska RW iyo Mas’uuliyiin kale oo diidan qofka uu Oday dhaqameedka u soo xulay.

Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug ayaa cadaadis kala kulmaya Mas’uuliyiinta sare ee dowladda ee ku sugan Muqdisho.

Xaruunta Shiirkoole ee magaaladda Dhuusamareb ayaa waxaa maanta lagu dhaariyey 77 mudane oo kamid noqonaya Xildhibaanadda cusub ee Barlamaanka Galmudug.

Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug waxa ay sheegeen in 85 Xildhibaan la soo xulay, tirada dhimana ay maalmaha soo socda soo gudbin doonaan.