Jilib-Ayaamaha-Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa waxay ka hadashay duqayntii shalay galab ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, ee la sheegay in lala bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in duqayntaasi ay u dhacday sidii loogu talagalay.

Afhayeenka ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in gantaal lala helay goob uu ku sugnaa mid ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa ee Ururka Al Shabaab, kaasoo sida uu sheegay ifka laga musaafuriyay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in wararka ay ka helayan Degmada Jilib ay xaqiijinayan in ciddii loogu talagalay ay ku dhimatay duqayntaasi.

Afhayeenka ayaan sheegin magaca Sarkaalka sida uu sheegay lagu dilay weerarka dhinaca cirka ee gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay Degmada Jilib.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) oo sheegtay masuuliyadda duqaynta ayaa dhanka kale waxay sheegeen inay xaqiijinayan khasaaraha ka dhashay hawlgalkaasi