Muqdisho-(ayaamaha)-Wararka Ka imaanaya Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Shaqaalaha Soomalida ee u Shaqeeya Turkiga.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in falka uu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Cadagya oo Bar-koontorool ay ku leeyhiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qofka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Sharmaake Tifow ,waxaana dilkiisa ka dambeeyey askari ka tirsan Ciidamada Booliska ee ku sugan Barta Koontorool.

Sida la sheegay ninkan ayaa watay gari nooca loo yaqaano hilux,waxaana gaarigaas uu Subax walba ku qaadi jiray Shaqaalaha soomaalida ee u Shaqeeya Turkiga ku sugan Soomaaliya.

Ilaa iyo hada macada sababta loo dilay,waxaana wararka sheegayaan in askariga rasaasta ku furay Gaariga uu watay ee dilka ka dambeeyey uu goobta ka baxsaday,waxaana tan ay qeyb ka tahay dilalka ay geystaan Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya.