Ilo hoose oo ay heleyso Ayaamaha.com ayaa sheegaya in Xildhibaan Eng Cabdi Rashiid Maxamed Axmed oo ah Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu doonayo inuu iscasilo arrimo la xiriira shirkii London ee looga hadli lahaa Batroolka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed Iscasilaadda oo doonayo ayaa ka dambeysa kadib markii Madaxda Dalka uu ku eedeeyay inay qabanayaan Shaqadii isaga loo igmaday wuxuuna sheegay in wasaaradiisa aysan waxba kala socan shirka looga hadlayo Shidaalka ee maalinta khamiista ah ka dhacaya magaalada London.

Wararka aan ka heleyno dhanka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu ka hor istaagay iscasilaada Wasiirka, maadaama ay fadeexad ku noqoneyso in Wasiirkii arrimahan ay quseeyeen uu Xilka iskaaga casilo arrin tuhun weyn laga qabo sababo la xiriira shirkaasi.

Aaladaha Bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa in shirka khamista furmaya lagu xaraashayo xirmooyinka (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah, walow war ay hore usoo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ee Xukuumadda Soomaaliya ay ku beenisay in shirkaasi lagu xaraashayo Shidaalka Dalka.

Mudane Kheyre ayaa ku qanciyay Wasiirka inuu ka laabto go’aankiisa, isagoo loo balanqaaday inuu kaalin weyn ku yeelan doono Heshiiska lala galayo Shirkadaha shidaal qodista ku howlan in ay ka sameeyaan Wadanka.

Dhanka Guddiga Xildhibaanada qaabilsan arrimaha Kheyraadka Qaranka iyo kan Aqalka Sare ayaa ka soo horjeestay shirka looga hadlayo Shidaalka ee khamiista ka furmaya magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyagoo sheegay in aan weli laga ansixin Baarlamaanka Sharcigii Batroolka iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa soo saarista kheyraadka dalkeena.