Midowga Murashaixinta oo markale soo badhigay dalab cusub kadib xilka qaadistii…

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga murshaxiiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ay soo saareen uga hadleen xaalada doorashada,go’aankii R/wasaaraha ka qaatay guddiga xalinta khilaafaadka ee la kala diray badankood iyo arimo kale.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan tallaabadii uu qaaday R/wasaaraha ee xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka soomaaliya xilka uga qaaday.

Waxay ugu baaqeen golaha murashaxiinta in R/wasaaraha uu la yimaado jid kasta oo wax lagu saxayo si looga hortego cadaalad daro doorasho ku dhisan.

Musharaxiinta ayaa markale dalbadey in la dar dar geliyo doorashada lagana hortego wax kasta oo dib udhac iyo dhaawac gelin kara hanaanka lagu heshiiyey.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inuu is garab taagayo tallaabo kasta oo lagu saxayo geeddi socodka doorashada si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samata bixin karta qalalaase amni iyo mid siyaasadeed.

Hadalka Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli doorashada dib loo ambaqaadayo muddo maalmo ay hakad ku jirtay kadib iyadoo R/wasaaraha uu ballan qaaday in ay sixi doonaan wax walbo oo cabasho ka timid.