Midowga Musharaxiinta oo ka dhex bilowday tafaraaruq iyo sababta ka dambeysa.

Muqdisho-Ayaamaha-Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa isku khilaafay warqad shalay kusoo baxday magaca golaha oo ku eedeysay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka leexday dhex-dhexaadnimadii.

Warqadaan oo loo diray wakiilada Beesha caalamka ayaa lagu xusay in Rooble aan daacad ka aheyn howlaha doorashooyinka ayna dareemayaan in shirka 20 May dib u dhac ku imaandoono.

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xisbiga Wadajir ayaa warqadas ka soo baxday Midowga Musharaxiinta ku tilmaamay warqad hal qof soo qortay, iyadoo ay jirtay in warqadaas faafinteeda ay barahooda bulshada soo dhigeen Musharax C/qaadir Cosoble iyo Musharax C/nuur Sheekh.

Inta badan qoraalada Midowga Musharaxiinta faafiyaan ayaa ku soo bixi jiray wadar oggol, waxaana marar badan Page-kiisa soo dhigi jiray, inkastoo C/raxmaan C/shakuur warqada maanta aanu soo dhigin, taasoo muujineyaa.