Muqdisho-Ayaamaha-Dowlaha Midowga Yurub iyo dalalka Jarmalka Ingiriiska ayaa dib u bilaabay mushaaradka ay siin jireen Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo ay u joojiyeen sababao la xiriiray rabshadihii dhimashada sababay ee ka dhacay Baydhabo,kadib xarigii Muqtaar roobow.

War saxaafadeed ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay dib u billaabidda Mushaarka Booliska Koofur Galbeed oo hakad ku jiray muddo todobo  bilood ah.

Qoraalka ka soo baxay saddexda Hay’adood ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha islamarkaana ay wadaagaan dano mideysan oo la xiriira xuquuqul Insaanka.

Sababta mushaarka looga joojiyay Booliska Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay rabshadihii ka dhashay doorashadii maamulka Koofur Galbeed oo ay ku dhinteen 13 oo uu ku jiro Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa waxaa ay sheegeen in taakuleynta Ciidamada Booliska ay sii wadi doonaan,si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga deegaanada Dowlad goboleedyada.