Brussels-(Ayaamaha)-Waddamada ku bahoobay Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in laga joojiyay Dalalkooda isticmaalaan Diyaarada Boeing 737 MAX8 iyo 737-9 oo ah nooca Diyaaraddii Ethiopian Airlines ee soo dhacday Axadii lasoo dhaafay.

Dalal badan oo caalamka kamid ah ayaa billaabay sidoo kale in ay mamnuucaan adeegsiga Diyaaradan oo si weyn looga shakisan yahay in ay ku jirto cillad farsamo oo sababtay shilalka soo noq noqday ee Diyaaradan.

Hay’ada u qaabilsan Midowga Yurub dhanka duulimaadyada ee EASA loo yaqaan, ayaa sheegtay in ammarkan uu dhaqan galay, iyagoo sidoo kale shirkadahooda ku wargeliyay inaysan adeegsan Diyaaradda Boeing 737 MAX8 iyo 737-9.

Dalalka kale ee mamnuucay Diyaaraddan tan iyo Maalintii Isniinta ayaa waxaa kamid ah Ingiriiska, Australia, Singapore, India, China, Indonesia, Cumaan, Malaysia, Norway, Imaaraat-ka, Kuuriyada Koofureed, Ireland, Mongolia iyo Itoobiya.