Muqdisho-(Ayaamaha)-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta weeraray degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa howlgal kafuliyey degaanka Sabiib ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaa intii uu socday ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab dhexmaray dagaal culus oo hub kala duwan la isku adeegsaday

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen inay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Sabiib, sidoo kalena dagaalkii dhacay ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhanka kale Maamulka Gobalka Shabeellada Hoose ayaan weli ka hadlin deegaanka ay maanta la wareegeen ciidanka xoogga dalka uu u leeyahay Dowladda.

Ciidanka ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameeynayaan deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobalka Shabeellada Hoose.