Militariga Mali oo xiray Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha dalkaas

FILE PHOTO: The new interim president of Mali Bah Ndaw is sworn in during the Inauguration ceremony in Bamako, Mali September 25, 2020. REUTERS/Amadou Keita TPX IMAGES OF THE DAY/File Photo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Militariga Mali ayaa xiray Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca ee dowladda kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana tallaabadan ay sii muujineysaa qalelaasaha siyaasadeed ee ka jira dadka ku yaal Galbeedka Africa.

Madaxweyne Bah Ndaw, Ra’isul Wasaare Moctar Ouane iyo Wasiirka Gaashaandhiga Souleymane Doucoure ayaa dhammaantood loo kaxeeyay xero millatari oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah Bamako.

Xiritaanka madaxdan ayaa imaneysa bilooyin kaddib marki ay isla millitarigan uu xakunka ka tuuray madaxweynihi hore Mali Ibrahim Boubacar Keita.

Arrintan ayaa timid saacado yar kaddib marki laba xubnood oo ka mid ah millitariga laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dowladda isku-shaandheyn la sameeyay kaddib, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay ilo wareedyo diblamaasiyadeed iyo kuwo ka tirsan dowladda.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo madaxda dowladda kumeel gaarka ah ee Mali.