Muqdisho-Ayaamaha-Militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen deegaano ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen Gobalka Jubbada Hoose.

Ciidanka xoogga dalka Deegaanada ay weerareen waxaa ka mid ah Araare iyo tuulooyin hoostaga, iyagoona halkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in ay dileen 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona Saanad military laga qaatay Al-Shabaab.

Militariga Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano hoostaga degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada Hoose.