Muqdisho-(Ayaamaha)-Xildhibaano golaha shacabka ayaa u gudbiyay Gudoomiyaha golaha shacabka Mooshin ama soo jeedin deg deg ah ay kaga dalbanayeen in ajandaha kulanka Golaha ee maanta lagu daro ka doodista xaalada amaan ee dalka.

Xildhibaanada Mooshinka u gudbiyay Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ka dalbadeen in ajandaha kulanka lagu daro ka doodista amaanka magaalada Muqdisho ee sii xumaaday laguna dilay dad badan oo shacab.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa saxiixeen mooshinka balse ma aysan hirgalin, waxaana Kulanka Baarlamaanka u baaqday kooram la’aan kadib markii aysan kulanka imaan Xildhibaano badan.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka careesnaa in ajandaha kulanka maanta la filayay in uu dhaco laga dhigay dhageysiga Warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka.