Muqdisho-Ayaamaha-Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in uu socdo qorshaha Mooshin ka dhan ka ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ee lagu horgeeynayo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wada ololihii u dambeeyay ee mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in Mooshinka ay ku doonayaan in gudaha dalka Soomaaliya ay uga saaran Ciidamada Kenya ee,isla markaana ka saaraan kamid ahaanshaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kenya ay weerar ku tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda ay horgeynayaan Baarlamaanka.

Mooshinkan ka dhan Ciidamada Kenya ayaa sida la sheegay ku saxiixan yihiin  Xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Inta badan Soomaalida ayaa si aad ah uga hadlayay diyaarad ay la socdeen Wafdi Kenyan ah oo uu hoggaaminayay Aadan Barre Ducaale oo shalay ka degay Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana lagu tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Madax banaanida.