Jowhar-Ayaamaha-Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabelle ayaa  Xildhibaano ka tirsan maamulka Hir-Shabelele waxaa ay kawadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxwyenaha Maamulkaas ee Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaannada mooshinka wada ayaa la sheegay inay kor u dhaafayaan 40 xildhibaan, kuwaas oo Waare ku eedeeyey in uu wax ka qaban waayey Arrimo badan oo ay kamid yihiin Amniga,isla markaana Guddoonka Baarlamaanka ay u gudbin doonaan mooshinkas.

Xildhibaan Aadan Kaladire oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa xaqiijiyey in uu jiro mooshinkaas,isaga oo sheegay inay wadaan Xildhibaano u badan Golaha Wasiirada Hir-Shabelele.

lama oga halka uu ku dambeyn doono mooshinkaan la sheegay in Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabelele ka wadaan Madaxweynaha Maamulkaas.