Mudaaharaad lagaga soo horjeedo afgambiga Myanmar oo ka socda Dalkaasi.

Ciidamada amaanka Myanmar ayaa gaari ku jiiray dad dhigayay  dibadbax balaaran oo looga soo horjeedo afgambiga oo ka dhacay  Dalkaasi Myanmar, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo warbaahinta gudaha. Dalkaasi.

Dibadbaxaan xoogan ayaa Axadda maanta ah  lagu qabtay Yangon, oo ah magaalada ugu weyn Dalka Myanmar, waxaana dibadbaxyo kuwan la mid ah laga soo sheegay qaybo kale oo dalkaasi ka tirsan.

Dibadbaxyada ka dhanka ah militariga ayaa ilaa hatan socda  inkastoo la dilay in ka badan 1,300 oo qof tan iyo markii uu afgambiga dhacay Dalkaasi Myanmar 1-dii February.

Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqday kuwo muujinaya gaari ku dhacay dibadbaxayaasha iyo meydad waddada yaalla. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee Myanmar Now, ugu yaraan shan qof ayaa la dilay, halka  15 kalena  la xiray. Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawacmay, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.