Muqdisho-Ayaamaha-Wararka Laga helayo Dalka Liibiya ayaa sheegayaa In ka badan 40 Muhaajiriin ay geeriyootay, 80 kalena ay ku dhawaacmeen, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka ee Ciiddanka Khaliifa Xaftar xilli dambe oo xalay ahayd duqeeyeen Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tajuura oo ku taalla Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.

Bayaan kasoo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar.

Sawiro lagu soo daabacay Warbaahinta dalkaasi iyo Baraha Bulshadda waxay muujinayaan Muhaajiriin Afrikaan ah oo qaliin lagu samaynayo, kadib, duqeyntaasi iyo Muhaajiriin kale oo dul saaaran Sariiraha, halka kuwo kale uu boor miiran ahaa jirkooda iyo kuwo kale oo Faashado looga xiray Gacmaha.