Kudhowaad 200 Askar Boolis ah ayaa tababar soconayay Saddex Bilood loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Xafladan tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Jen: Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Isloow, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Baarlamanka ee maamulkaasi, Cusmaan Barre Maxamed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.

Wasiirka amniga Hirshabeelle, Cabduqaadir Aadan Jeelle, ayaa bogaadiyay Askarta soo dhammaysatay tababarka, wuxuuna faray in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee loo egmaday.

Jeneraal, Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhammeystay, wuxuuna sheegay in ay ku soo biirayaan Ciidan leh Taariikh dheer, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan Boliis wanaag oo, Ummaddoooda uga adeega si xufan oo daacadnimo ah.

Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamadan ay yihiin dufcadii u horeysay Boolis Hirshabeelle ay yeelaneyso, isagoo kula dardaarmay inay bulshada u adeegaan, kuna dhaqmaan shuruucda, waxaana uu intaa ku daray in dufcada labaad ee Booliska dhowaan lagu tababari doono magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee Maamulka Hirshabeele.

Waxaa tababarkan bixinayeen Saraakiisha Boliiska AMISOM waxaana maal-gelintiisa lahaa Midowga Yurub, waxanay dufcaddan qeyb ka tahay 800 oo Ciidan Boliis ah oo uu dhowaan yeelan doono maamulka Hirshabeelle Soomaaliya.