Muqdisho Fal-argagax leh nin naagta uu qabay udilay 25 dollar oo kaliya, subxanallah.

21

Ninka dilka u geystay xaaskiisa oo lagu magacaabo Maxamed Shamsi Muumin ayaa waxaa la sheegay inuu xaaskiisa uu qabay u dilay lacag 25 Dollar uu weydiistay,  balse  xaaska dilka loo geeystay ayaa ku wargelisay in aysan heynin lacagta uu rabo oo ah 25 dollar,

Waxa ayna intaasi ka dib u  sheegtay inay heeyso   lacag gaareysa laba dollar oo kaliya.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Allah unaxariiste  Qamar Cabdi Cumar ayaa Ninka wuxuu Mindida ama tooreyda  Geella lagu qalo kaga dhuftay ilaa lix meel, waxaana ay ifka kaga tegtay 12 Carruur ah oo ay dhashay.