Museveni Oo Difaacay Go’aanka Lagu Xiray Baraha Bulshada Ka hor Doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay shirkadda Facebook inay tahay mid isla weyn oo u xaglineyso hal dhinac ah kaddib markii uu xaqiijiyay in dowladdiisa ay xirtay baraha bulshada ka hor doorashada Khamiista ka dhaceysa dalkaas.

Madaxweyne Museveni oo ku labisan dareyska ciidamada xilli uu khudbad ka jeedinayay teleefishinka ayaa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin wax faragelin ah ama in la go’aamiyo cidda wanaagsan ama cidda xun.

Wuxuu sheegay in haddii Facebook uu ka howlgalayo Uganda ‘waa in qof kasta uu si sinaan ah uu ugu adeegaa.

Dadka adeegsada baraha bulshada ee dalkaas ayaa shaley ka cabanayay inay adeegsan waayeen baraha bulshada.

Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in xiritaanka baraha bulshada Uganda ay tahay tallaabo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo mabaadii’da ku saleysan adeegsiga Internetka.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa cambaareeyay go’aanka dowladda ay ku xirtay baraha bulshada halka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqul insaanka.