Mushaarkii shaqaalaha Gobolka Banaadir oo la lunsaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabasho aad u balaaran ayaa waqtigan ka soo yeereysa shaqaalaha dowlada hoose ee xamar, kuwaa oo sida ay sheegeen aan wax mushaar ah helin labadii bilood ee la soo dhaafay.

Shaqaalaha ayaa cabashadooda u gudbiyey maamulka Gobolka Banaadir, balse duqa caasimadda Cumar Finish ayaa iska dhaga tiray qeylo dhaanta ka soo yeereysa shaqaalihii uu masuulka ka ahaa.

Xubno ka tirsan shaqaalaha dowlada hoose oo inala hadlay, ayaa inoo sheegay in mushaarkooda ay masuq maasuqeen masuuliyiinta ugu sareysa maamulka oo uu ugu horeeyo Cumar Finish.

Shaqaalaha cabanaya ayaa tibaaxay, in arrintan ay saameyn weyn ku yeelatay qoysaskooda, oo markii hore biilan jiray dhaqaalaha kooban ee ay ka helaan dowlada hoose ee Xamar.

Xubnaha u hadlay shaqaalaha xuquuqdooda la duudsiiyey, ayaa dalbaday in wax laga qabto walaaca heysta, iyagoo Madaxweynaha cusub ka codsaday inuu soo farageliyo arrintan.

Mushaar la’aanta shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmeysa, xilli madaxda maamulka ay wadaan xatooyo iyo boob ay kula kacayaan dhulka dadka dan yarta ah, waxaana cabashadan ay ku biireysaa wal walkii laga qabay sida ay u socoto howsha dowlada hoose ee caasimadda.