Musharaxiin lacago badan laga qaaday kadibna loo diiday in la siiyo Shahaadada tartanka

doorashooyinka Heer Federaal
doorashooyinka Heer Federaal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa sii kordhaya cabashada ka imaaneysa qaar kamid ah musharaxiinta dooneysay in ay kamid noqdaan Xildhibaanada golaha shacabka kuwaa oo inta lacago badan laga qaaday hadana loo diiday in ay tartamaan.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa hada ku bilaabatay qaab musuq maasuq u muuqda, waxaana musharaxiin badan loo diiday in ay u tartamaan kuraasta ay xaqa u lahaayeen oo si gaar ah loogu xiray xubno la watay.

Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka muddo xileedkiisa uu dhammaaday, markalana isku soo sharaxay kursigan ayaa laga hor istaagay in uu u tartamo kursiga Xildhibaanimo uu hada ku fadhiyo.

Musharaxan ayaa sheegay in laga qaaday lacag gaareysa 11-kun oo dollar oo isugu jirta lacagta diiwaan gelinta doorashada iyo lacagta CID-da, waxa uuna xusay in markaa kadib guddiga doorashada Koonfur Galbeed u diideen shahaadada musharaxnimo.

“Lacago ayaa naga maqan aniga kaligey ma’ahan inta lacagta ay ka maqan tahay waa dhowr iyo labaatan qof oo inta ay lacagtooda shubteen aan haba yaraatee shahaado lasiinin, aniga 10-kun diiwaan gelin ayaa la iga qaaday kun dollarna CID- hadana shahaadadii musharaxnimo ayaa la ii diiay” ayuu yiri Xildhibaan Idirs Dhaqtar.

Musharaxiin badan uu ku jiro Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka ayaa isaga soo tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusomareeb kadib markii loo diiday in ay u tartamaan kuraasta beeshooda loona xiray dad kale oo si gaar ah loo watay.