Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Garowe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Musharraxiinta tegaya Garoowe ayaa waxaa horkacaya siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u sheegay booqashada ay Maanta ku tegayaan Magaalada garoowe, iyada oo halkaasi si weyn looga dareemayo qaban qaabada soo dhawyyntooda.

“Waxaan ku wajahanahay magaalada Garoowe muddada aan joogo waxaan la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ka qaybgali doonaa dood cilmiyeedyo iyo barnaamijyo kale oo aan aragtidayda siyaasadeed ku soo bandhigaayo. Waxaa iga go’an inti suuragal ah in aan qof walba oo Soomaali ah rugtiisa ku gaaro ayuu yiri” Daahir Geelle.

Siyaasada Soomaaliya ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana meel fog kala joogo Musharaxiinta mucaaradka iyo Madaxda dowladda Federaalka oo isku hayo hanaanka doorashooyinka.