Musharaxiinta Oo Ugu Baaqay Farmaajo Inuu Cudur-Daar Ka Bixiyo Falkii Shalay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii shalay Askari ka tirsan Ciidanka dharcada ee dowladda uu ku rasaaseeyay dad banaanbax ka waday Magaalada Muqdisho.

Qoraal Wadajir ah oo ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in askariga Dhalinyarada banaan baxeysay rasaaseeyay uu fulinayay Amarkii Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay ugu hanjabayeen Midowga Musharixiinta kuna dhiira gehlinayeen gacan ka hadalka kuwa ka aragtida duwan Dowladda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayey Musharaxiinta ugu baaqdeen inay cudur ka bixiyaan falkii lagu rasaaseeyay gabdhihii banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho, isla markaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno Ninkii falkaas geystay.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu dambeyn waxay ugu baaqeen Ururada Bulshada Rayidka, Guddiyada xaquuqul Insaanka ee labada Golle ee Baarlamaanka, Odayaasha Dhaqanka iyo Beesha Caalamka inay falkaasi ka qaatan go’aan cad oo lagu cambaareeynayo.