Muqdisho-(ayaamaha)-Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo Khudbad ka jeediyay Kulanka Maanta Xildhibaanda ayaa ka hadlay Caqabadaha haysta Dastuurka dalka.

Muudey ayaa waxaa uu sheegay in Warbixinta Guddiga Dastuurka Maanta aan lagu soo darin Somaliland,isla markaana Caqabadaha Dastuurka Soomaaliya heysta uu ka mid yahay arrintaas,isagoona in aysan sax noqon karin.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in Somaliland ka mid noqoto howlaha dastuurka Soomaaliya markaasna uu noqdo dastuur loo dhanyahay.

Hadalka Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa kusoo aadaya iyadoo Maanta kulanka 2-aad kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya warbixin looga dhageystay Guddiga Dastuurka dalka.