Muqdisho-(Ayaamaha)-Qarax gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan ee Gobalka banaadir, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah,waxaana uu qarxay xili uu marayay meel ku dhow Isgoyska KM-4,iyadoona xiligaas wadada ay marayeen gaadiid kala duwan oo ku jiray kan dadweynaha ay raacaan.

Gaariga qarxay oo daba socday gaari kale ayaa waxaa qabsaday dab xoogan oo qiiqa iyo uurada ka kabxday laga arkayay degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir,waxaana goobta gaaray Gaadiida gurmarka deg deg ah iyo kan Dab-damiska.

Dabka ayaa cirka isku shareeray iyadoo dadweynaha goobta ka dhowaa ay u gurmadeen dadkii gawaarida ku xayirantay, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa darawalkii waday inuu ku dhintay, waxaa kale oo dad shacab ay ku dhinteen gaari Homy ah oo wadada maraayay.

Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa shalay sidaan oo kale qarax lagu soo xiray gaari uu ka dhacay,waxaana gaarigaas lahaa Jaamacadda SIMAD,iyadoona uu ku geeriyooday Shaqaalo ka tirsanaa Jaamacadda SIMAD oo ku taalla Dalka.