HARGEYSA-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda 26-ka June, ayaa waxaa uu ku dheeraaday natiijadii aan la mahadin ee ay Somaliland kala kulantay midnimadii ay la gashay Soomaaliya Afar maalmood kaddib xorriyadii ay Ingiriiska ka qaadatay.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa si qota dheer uga hadlay wadahalada Soomaaliya iyo Soomaaliland isaga oo sheegay in ay labada dhinac u hadlayaan sida laba dowladood oo siman.

Qodobka is dhexgalka ee muddooyinkii dambe aadka loo hadal ahaayay ayuu sheegag in uusan aheyn sida loo dhigayo is dhexgalkana uu yahay mid aan siyaasadeysneyn oo labada shacab ay Isku socon Karaan Marka laga reebo Siyaasiyiinta

“Wixii is-dhexgelaya, horto siyaasadi iyadu way reebban tahay, xeer baana joojiyey oo iyadu kuma jirto, qofkii siyaasad u tagaana waa dambiile qaran, isdhexgalka kale wuxuu ku xirnaanayaa, tusaale ahaan koox kubadda ciyaaraysa, ayaaba la doonayaa inay tagaan Soomaaliya, waa inay tagaan iyaga oo Baasaboorka Somaliland sita oo dawladda Soomaaliya tagtay oo magaca Somaliland ku ciyaaraya.” ayuu yiri muuse biixi.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tilmaamay in haddii sidaan ay wax noqon waayaan aysan jirin wax soconaya.