Muuse Biixi oo gardarro ku tilmaamay in Muqdisho laga xuso 26-ka Juun.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in gardarro aan geed loogu soo gabban ay tahay in Muqdisho laga xuso markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlayay xuska sannad guurada 61-aad ee ka soo wareegatay markii gobolladii waqooyi ee Soomaaliya oo hadda ah Somaliland ee, ay xoriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriisiga, 26-kii Juun 1960-kii, oo xalay ka dhacday madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday dhibaatada ka taagan koonfurta Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay maamulka Muqdisho in aanay wax wanaag ah la rabin dadkiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa yiri: “Intii ay Soomaaliland ku mashquusanayd dhisidda dalkooda, nasiib darro sharci may qaadan Soomaaliya oo ma aysan oran Soomaaliland keedii wey qaatay inagana keeni aan qaadano oo aan lixdankii ku noqono, gudohooda kumay dhaqmin wixii ay ahaayeen lixdankii, waxay sameysteen gobollo qaabaa’illo ku saleysan deedna khilaafkoodii baa dami waayay waayo waddada ay mareen baa khaldan.”

“Muddadaa aanu inaga jirnay, waxaynu ku guuleysanay 7 doorasho, 3 madaxweyne ayaa isku baddalay si nabad gelyo ah oo cod iyo hal qof ah, laba baarlamaan baa isku badalay, waana Alle mahaddiis.”

“Inta aynu 7-da doorasho galeynay iyagu doorasho iska dhaafe waxaa loogu taag la’yahay in dad faro ku tiris ah oo dhowr boqol ah la so magacaabo oo ay doortaan madaxweyne iyo baarlamaan oo waad arkaysaan waxa ka dhacaya.”

Wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay ishortaagtay mashaariicda hormarineed ee Somaliland heli lahayd.

“Inagu Soomaaliland hadaynu nahay marnaba colaad iyo farogelin iyo dagaal aynu qaado ma aynan qaadin laakin iyago ha ugu darnaato taa maanta joogta Xamare, waad ogeydeen markii Barbara aanu la heshiinay qolada Carabta ah inay hormariyaan, waxay nagu yirahdeen baarlamaanka Xamar oo aan ogolaado ma ogiye lama iman karo.”

“Waxaa maanta xanniban lacag ku dhaw ama ka badan lixdan milyan oo doolaar, gobanimadeenu kuma doorsanayno lacag, lanagu gacan maroojin maayo dhaqaale baa la diidan yahay.”

Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu ka hadlayay xafladaha Xamar lagu qabto ee lagu xuso 26-ka juun ayuu yiri:

“Caawa Xamar waxay leedahay waxaanu u dabbaaldegeynaa xorriyaddii gobollada waqooyi, aniga meel ka dhac ka weyn iyo gardarro intaa ka badan garanmaayo in Xamar ay tirahdo anagaa xukunno oo Soomaaliland waa gobolladii waqooyi oo waxaan u dabbaaldegeynaa xorriyaddoodii iyagoo dhinaca kale nagu wado dagaal xabad ah, mid cunoqabatayn ah iyo mid diblomaasi ah si aanu madaxa kor ugu qaadin, waxaan u arkaa gef iyo meel ka dhac ah, waxaanse la yaabanahay qolada Soomaaliland ee taa kala qeyb galaysa ee ugu sacab tumeysa.”

Waxaa qoray:- BBC