Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa labada Golle  ee Baarlamaanka Somaliland kahor jeediyay khudbad sanadeedkii Dastuuriga aheyd, isagoo uga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa kulankii dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay Muuse Biixi in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu isaga iyo Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu doonayo inuu soo kala dhexgalo arrinta Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana labada dhex-dhexaadiyo, hayeeshee ugu dambeyn ay labada dhinac ay aqbaleen.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aanay in ogolaanayn madaxweynaha Soomaaliya uu yimaaddo Somaliland.

“Ma ogolaanayno in Farmaajo Somaliland yimaaddo. Maya maya” ayuu yidhi.

Biixi ayaa si rasmi ah u diiday in madaxweyne Farmaajo uu Hargeyso yimaado. Kadib sacab iyo alaleeys ayaa hoolka isqabsaday

Dhanka kale waxaa fashilmay qorshihii ahaa in madaxweyne Farmaajo uu socdaal kuyimaado magalada Hargeysa.

Sidoo kale Biixi ayaa si cad u sheegay inuu soo dhaweeynayo raali-gelintii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay dhibaatadii shacabka Gobolada Waqooyi u geystay dowladdii Kacaanka, iyadoo xiligaas la adeegsanayay magaca dowladda.

Waxaa uu tilmaamay in raageli-gelinta uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo ay xumeeyneyso Safarka Magaalada Hargeysa, isla markaana aysan labada arrin aysan is qaban karin.