Hargeysa-(Ayaamaha)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane; Muuse Biixi Cabd,i ayaa ku dhawaaqay in 19-ka Bisha March in uu Dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada Dowladdaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biixi, ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ka Caga jiidayaan wada hadaladaas, balse ay dhankooda diyaar u yihiin.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Soomaaliya oo ku saabsan wada hadalada Bishan ka dhici doono Dalka Ghana .

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore shaacisay inay diyaar u tahay in dib loo soo celiyo wada hadaladii hakadka galay Sanadkii 2015.

Labada dhinac ayaa horay ugu wada hadlay Turkiga, Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Ingiriiska, iyadoo ay xukuumadda Ankara oo arrimahaasi u xilsaaranna ay usoo Magacowday wada xaajoodka Labada dhinac, Danjire; Olgan Bekir, oo ah Safiirkii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya.