MUQDISHO-AYAAMAHA-Alle ha u naxariistee muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Yaasiin ayaa goordhaw burcad u dhalatay Koofur Afrika waxaa ay ku dileen goobtiisa gacansi oo ku taala magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee dalka Koonfur Afrika.

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Laamaha ammaanka ee dalka koofurka ayaan weli ka hadlin dilalka todobaadkan ka dhacay dalkaasi.

Qaar ka mid ah soomaalida ku nool dalka koofur afrika ayaa soo wajahday cabsi tii ugu xooganeed, xili ay wal wal iyo naxdin ay ku joogaan goobahooda shaqo.

Sidoo kale ma jiraan qorsho looga hortagayo dilalka, dhaca iyo boobka loo geysanayo ganacsaradas soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku kordhay dilalka loo geysto Soomaalida,waxaana habeen ka hor Magalada Cape Town lagu dilay muwaadin Soomalaiyeed oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Xasan, iyada oo Burcadii ka dambeysay dilkaasi ay baxsadeen.