Burcad ayaa soo weerartay goobta ganacsiga ee uu lahaay muwaadinkaan Somaliyed, kadibna waxa ay ku dileen mehradiisa.

Somalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay muwaadinka la dilay in lagu magacaabi jiray Muqtaar Cumar, uuna ahaa nin dhalinyaro ah oo shaqeysta.

Dilalka Somalida loogu gaysanaayo dalka Koonfur Afrika ayaa sii kordhaya maalmahan dambe, iyadoo maalmo ka hor dalkaasi lagu dilay muwaadin Somaliyed.

Booliska Koonfur Afrika ayaanan inta badan ku guuleysan soo qabashada dambiilayaasha dilalka u gaysta muwaadiniinta Somaliyed.