Muqdisho-Ayaamaha-Fahad yaasiin ayaa amray hogaanka Ciidankii NISA ee meesha kusugnaa iyo kuwii kale Ee Booliska Haramcadka inay ogolaan Taleefoon shidan inta howlgalka socday.

Amar uu bixiyey habeenkii xalay taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la dul dhigay Ciidankii Dawlada ee xalay ka dhex dagaalamayey Xarunta Hoteelka SYL.

Dadka meesha laga soo saarayey ayaa waxa laga qaadayey Taleefonada oo laga daminayey,ciidankana waa laga uruuriyey Taleefoonada.

Taliyeyaasha sar sare keliya ayaa loo ogolaa inay isticmaalaan Isgaarsiinta halow halowga taas oo sabab ka dhigtay in la xakameeyo Sawirada la qaadi jiray marka weerarada dhacaan iyo dad dhiigaya oo lasoo duubo.

Taliye Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qorshahaan uga gol leh sida la sheegay ka hor tegida cadowga inay helaan Macluumaad dhiiri gelin unoqon kara sida uu sheegayna waa la xadiday dhaq dhaqaaqooda.

Weerar ay soo qaadeen Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in kudhawaad 10 Qof ay ku dhinteen balse uu khasaaraha yaraa marka loo eego weeraradii hore.