Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan mar kale safar kale oo dibadda ah u baxo, xili isbuucii hore waqtigiisa ku qaatay safaro kala duwan ee dalka dibadiisa ah.

Xog aan ka helnay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socda ay beri kusii jeedaan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynahe Farmaajo uu ku tagayo magaalada Adis Ababa ayaa ah mid deg deg ah oo kusoo aaday xili xasaasi ah, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo kulan gaar ah la qaato Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Sida aan xogta ku helnay safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku aadayo Itoobiya ayaa salka ku haya shir sadex geesood ah ay Asmara ku yeesheen Madaxda wadamada Kenya, Itoobiya iyo Eritrea, waxaana shirkan ka maqnaa Soomaaliya.

Kenya iyo Soomaaliya oo xiligan xiisad ka dhaxeeyso ayaa laga cabsi qabaa in saameyn ku yeelato isbaheysii horey u yeesheen Wadamada Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya.

Safarka filayo in Farmnaajo ku tago ADis Ababa ayaa wali Madaxtooyada Soomaaliya ka hadlin iyo sidoo kale aragtida dowlada ee ku aadan in shirkii sadex gooseedka ahaa ee ka dhacay magaalada Asmara.