Muxuu yahay Sarkaalka “Camerada” iska qariyey xili shir Amni socday.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Xagar (Daba geed)  ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka guud ee Amniga Hirshabeelle oo ka dhacay Beledweyne.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa warbixin guud ka dhageystay Saraakiisha Hay’addaha Amaanka iyagoo Madaxweyne Kuxigeenka la wadaagay xaaladaha Amniga Magaalada Beledweyne.

Sawirro lasoo bandhigay ayaa laga arkayey General katirsanaa ciidamada AMISOM oo iska qarinaya Kaamirada,taas oo weli la ogaan sababta ka dambeysay,isagoo koofidiisa iskaga aadiyey kaamirada.

Lama oga sababta uu isaga qariyey kaamirada taas oo dad badan shaki ku abuurtay.

Dabageed ayaa Faray Saraakisha inay Xaqiijiyaan Ammaanka Magaalada oo ay dhawaan ka dhici doonaan Doraashooyin.

Kulankaan ayaa yimid xilli duleedka magaalada Beledweyne uu ku sugan Generaal Xuud iyo ciidamo uu hoggaaminaayo kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.