Muxuu Yahay Xildhibaanka ku soo baxay doorashadii Somaliland ee la la’yahay?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada dekedda leh ee Berbera ayaa sheegaya in nolol iyo geeri lagu waayey xildhibaan ku soo baxay doorashadii golaha deegaanka ee Somaliland, kaas oo lagu magacaabo Nuur Cadde.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Berbera oo la yiraahdo Caaqil Maxamed Cabdikariin Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in muddo 5 cisho ah meel uu jaan iyo cirib dhigay la la’yahay xildhibaanka, kadib markii loo doortay xubin ka tirsan golaha deegaanka.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in loo maleynayo in la afduubtay xildhibaan Nuur Cadde, isaga oo ugu baaqay madaxda Somaliland inay qeyb qaataan raadintiisa.

Caaqil Maxamed ayaa sidoo kale intaasi ku daray in muran siyaasadeed uu ka dhashay doorashadii ka dhacay Berbera, taas oo uu kusoo baxay mudanaha la waayey.

Waxa kale oo uu ka dalbaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi inuu soo fara-geliyo arrintaan, maadaama ay tahay mid ku cusub deegaanada maamulkaasi.

Ehellada xildhibaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujinayo xaaladda uu ku sugan yahay, maadaama aan wax war ah laga heyn muddo illaa 5 cisho ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi.