Mxay Ka Wada-hadleen Musharax Daahir Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Rooble?.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran ahna Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharax Daahir Geelle ayaa waxaa looga hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka ka jira arrimaha doorashada oo ay isku hayaan Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay is dhaafsadeen aragtiyo ku Aadan marxaladda kala guurka  xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida looga gudbi karo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle in Ra’iisul Wasaaraha ay is dhaafsadeen aragtiyo aad u kala durugsan dowladda aragtideena uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha halka dhankiisana uu u gudbiyay aragtida Musharixiinta ee ka gudbida Arrimaha taagan.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee dhaliilsan sida Xukuumadda Soomaaliya u wajaheyso Arrimaha doorashada, waxaana uu dhowr jeer uu ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khamiistii lasoo dhaafay kulan la qaatay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame, iyagoo ka wada hadlay xal u helida khilaafka ka taagan doorashada 2021.